Tacaliintu Talo u baahan

Madaxda dalka, bahda waxbarashada iyo qaaraan-bixiyeyaasha caalamiga ah waxaan u soo wadaa Qormo furan, taasoo hummaag waafi ah ka bixin doonta xaaladda dhabta ah ee waxbarashada dalka. 

Qormadu waxay si mug leh (oo xaqiiqooyin cad-cad lagu nuday) u dul istaagi doontaa arrimo ay ka mid yihiin; 

1. Waxyaabaha la xusi karo ee waxbarashada laga qabtay 7dii sano ee la soo dhaafay. 

2. Meelaha u baahan in dadaal xoog leh la galiyo ee aan u arko in laga gaabiyey sidii si sax ah wax looga qaban lahaa. &

3. Caqabadaha muuqda ee waxbarashada ragaadka ku ah (arrimaha maamulka, hogaaminta, dhaqaalaha, daah-furnaanta & isla xisaabtanka iyo kartida aadamiga iwm). 

Qormadu waxay kusoo bixi doontaa luuqadaaha; Soomaaliga & English-ka labadaba, si indho caalamiga loogu milicsado xaaladda waxbarashada dalka, kadibna "XAL" wadajir ah loogu helo culeysyada xiligaan haysta waxbarashada.

Haddii uu jiro qodob aad u aragto inuu muhiim noqonkaro oo inaan kusoo daro aad ku talin lahayd, fadlan soojeedintaada hoos iigu reeb ama luuqa iigu soo dir si gooni ah. 

Tusmada hoose waa qeyb kooban oo kamid ah waxyaabaha lagu guuleystay, ee ku jiro doona qoraalkayga noo madlan. [insha allah]. 


WQ; Abdi Gashan Egal. 




Comments