Posts

Tacaliintu Talo u baahan

Madaxda dalka, bahda waxbarashada iyo qaaraan-bixiyeyaasha caalamiga ah waxaan u soo wadaa Qormo furan, taasoo hummaag waafi ah ka bixin doonta xaaladda dhabta ah ee waxbarashada dalka.  Qormadu waxay si mug leh (oo xaqiiqooyin cad-cad lagu nuday) u dul istaagi doontaa arrimo ay ka mid yihiin;  1. Waxyaabaha la xusi karo ee waxbarashada laga qabtay 7dii sano ee la soo dhaafay.  2. Meelaha u baahan in dadaal xoog leh la galiyo ee aan u arko in laga gaabiyey sidii si sax ah wax looga qaban lahaa. & 3. Caqabadaha muuqda ee waxbarashada ragaadka ku ah (arrimaha maamulka, hogaaminta, dhaqaalaha, daah-furnaanta & isla xisaabtanka iyo kartida aadamiga iwm).  Qormadu waxay kusoo bixi doontaa luuqadaaha; Soomaaliga & English-ka labadaba, si indho caalamiga loogu milicsado xaaladda waxbarashada dalka, kadibna "XAL" wadajir ah loogu helo culeysyada xiligaan haysta waxbarashada. Haddii uu jiro qodob aad u aragto inuu muhiim noqonkaro oo inaan kusoo daro aad ku talin ...